U bood dhigaalka

Somaliland Oo Kordhisay Cadaadiska Wariyeyaasha, Xirtayna Saddex Wariye

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa xoojiyey cadaadiska ay ku hayaan wariyeyaasha ka howlgala guud ahaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo, gaar ahaan kuwa Hargeysa ka howlgala.

Ciidamada Booliiska ee maamulkaasi ayaa maanta waxa ay magaalada Hargeysa ku xireen Saddex wariye oo ka shaqeynayey Tv-ga Horn Cable, xilli wariyayaashan ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.

Waxa ay Saddexdan suxufi ay tabinayeen shacab badan oo dibadbax ka dhigayey magaalada Hargeysa, waxayna dadkaasi ka cabanayeen sida la sheegay sicir barar ka jira magaaladaasi.

Wariyayaashan ayaa lagu qaaday gaari shabaqle ah, kadib markii loo sheegay iney xadgudub sameeyeen, taasi oo ay kala jeedeen saraakiisha Booliiska codka shacabka oo bannaanka la keenayey.

In ka badan 5 saacadood oo ay xirnaayeen wariyayaashan kadib waxa ay heleen xorriyadooda kadib markii taliska Booliiska Hargeysa laga dhaadhiciyey in wariyeyaashu aanay wax qalad ah sameyn, kaliyana ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.

Mid kamid ah suxufiyiinta ku sugan Hargeysa oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay Goobjoog News, in tani ay qeyb ka tahay cadaadiska ay mar walbo kala kulmaan maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheega iney ilaaliyaan xorriyadda hadalka hase ahaatee sanadkaan 2017 gudahiisa waxay xabsiga dhigeen tiro wariyeyaal ah, qaarkoodna waxay la kulmaan jir dil iyo handadaad.

8-dii April, maxkamadda Hargeysa ayaa Labo sano oo xabsi ah waxay ku xukuntay wariye C/maalik Muuse Coldoon, kadib markii ay sheegeen inuu u gafey jiritaanka Somaliland.

Goobjoog News