U bood dhigaalka

Somaliland oo Ku Dhawaaqday Xalaad Abaareed oo Degdeg ah Iney Ka Jirto Gobollada Bari ee Maamulka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay in xaalad Abaareed oo degdeg ah oo ka jira gobollada bari ee maamulkiisa, waxa uuna baaq u diray beesha caalmaka si ay gurmad ula gaaraan deegannada ay abaaruhu ka dhufteen.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay kulan la qaatay guddiga Abaaraha  ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay kulankaa abaaraha ka taagan bariga Somaliland oo si aad ah dadka iyo duunyadaba dhibaato adagi  u haysato.

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa ka waramay kulanka, “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo waxa uu shir guddoomiyay kulan ay iskugu yimaaddeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo guddigii taakuleynta abaaraha qaranka ee ka koobnaa culumo awdiinka iyo ganacsatada, guud ahaanna arrimo farabadan baa lagaga hadlay”.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu dunida ka codsaday in si degdeg ah loogu soo gurmado dadka abaaruhu hayaan ee bariga Somaliland;

“Shirkaasi waxa uu ku saabsanaa abaaraha guud ahaan Somaliland soo food saaray, madaxweynuhu umadda Somaliland meel kasta oo ay ku nooshahay waxa uu ugu baaqayaa iyo dhamaan caalamka oo dhan, in si degdeg ah caawimaad loola soo gaadho Somaliland”.

Dhulka ay hadda abaaruhu ka jiraan ayaa la sheegayaa in uu ka ballaaran yahay kana baaxad weyn yahay kii kal hore abaaruhu ay ka jireen, sidaa darteedna guddiga abaaruhu waxay ku baaqeen iney dadweynuhu geystaan gacan ka ballaaran tii hore ee iskood iskugu xilqaameen.

Cabdullaahi Aadan  oo ka mid ah dadka degaannada galbeedka Laascaanood kana soo barakacay oo gaaray dhanka bari ee isla magaalada oo goor sii horreysay u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in abaaro darani ay salfadeen nolosha xoolo badan islamarkaana dadka aysan heli karin biyo ay cabaan iyo wax ay cunaan toona.

Goobjoog News