U bood dhigaalka

Somaliland: Wasiir Cukuse”Maxaa Inoo diidaya Inaan Dowladda Emaratka u Ogolaanno Saldhig Milatari”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa si aad ah u naqdiyay aragtida dadka diiddan in dalka Emaratka Carabta loo ogolaado saldhig milatari  .

Wasiir Cukuse oo maalintii shalay la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay saldhigga milatari ee dalka Emaratka iyo sida loogu baahan yahay xilligan in loo ogolaado:

“Saldhig milatari ineynu bixinno oo sida dowladda Jabouti oo kale intaas oo saldhig milatari dowladeed baa ku yaalla faa’iido ay ku qabaan mooyaane khasaare kuma qabaan, maxaa inoo diidaya? Abaal baynu ku qabnaa iney dalkeenna cidi un bal tilmaaddo oo aqoonsigaa Illaahay inoogu ilhaamiyo oo dabadeedna ay noo yimaaddaan, way inala dagayaan oo dalkay maalgashanayaan, waddooyinka, shaqo la’aanta iyo wax beerashada, kalluun soo bixidda iyo shaqo abuuridda, dowladaha kalena miyaan meel loo heli karin, maxaa loo oranayaan waxba yaan la ogolaan iyadoo la ogyahay faa’iidada laga helayo”.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray doodo adag oo ku saabsan saldhig milatari oo dalka Emaratku ay doonayaan iney ka sameystaan Somaliland, gaar ahaa garoonka diyaarahada magaalada Berber, saldhiggan ayaa waxa uu walwal xooggan ku abuuray dowladda Itoobiya oo ka walaacsan waxa loo adeegsan doono, waana sida uu xusay wasiirka arriamah dibadda Somalialnd oo isbuucii hore la hadlay saxaafadda.

Goobjoog News