U bood dhigaalka

Sool Iyo Sanaag: Abaaro Ay Dadka Iyo Duunyada U Dhimanayaan Ayaa Ka Jira

Sheeko:Dalka

Abaaro daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ayaa laga soo sheegayaa gobollo ka tirsan waqooyiga Soomaaliya.

Gobollada ay abaarta xooggan ka jirto waxaa kamid ah Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya waxaana la soo sheegayaa in dadka iyo duunyada ay si siman u waxyeeleysay.

Abaaraha ka jira dhulalka miyiga ee ka fog magaalooyinka waxaa ku dhintay xoolo badan oo ay dhaqanayeen dadka reer miyiga ah oo iyagu hadda aan heysan wax kaalmo ah.

Biyo la’aan darani oo ka jirto dhulalkaasi baadiyaha ayaa xoolo u badan ari waxay ugu dhinteen harraad halka qoysas fara badan ay sameynayaan barakac.

Meelaha qaar gobolka Sool oo kale waxaa ka curtay roobka deyrta iyadoo la arkayo dad ka imaanaya dhulka miyiga fog oo soo gaaraya degaannada helay roobka oo ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood jihada bari.

Dhanka galbeed ee Laascaanood ayaa kamid ah meelaha ay dadka ka barakaceen kadib markii ay heli waayeen wax biyo ah.

Cabdisalaan Dalmar oo ku sugan dhulka fog ee miyiga gobolka Sanaag ayaa sheegay in ari, geel iyo xoolo kale oo dadka ay dhaqanayeen ay u dhinteen harraad iyo gaajo.

Wuxuu sheegay in arrintani ay sababi karto in xannuuno ay ka dhashaan, waxaana jira dad u dhintay xanuunnada caloosha kadib markii ay cabeen biyo wasaqeysan.

Degaannadani waxaa kamid ah Xingalool mana jirto wax roob ah oo ay heleen muddo ku siman labo sano.

Qoysaskani ayaa dalbanaya inay helaan gargaar beni’aadanimo xilligani adag oo ay ku jiraan waxaana hay’adaha samafalka iyo dowladdaba ay u jeediyeen in la soo kaalmeeyo.

Goobjoog News