U bood dhigaalka

Soomaali Iyo Oromo Ku Dagaallamay Gobolka Soomaali Galbeed

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Oromo ayaa lagu soo waramayaa in mar kale uu dib uga bilowday deegaanka Dheka ee gobolka Soomaali Galbeed.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Labdan dhinac ee is haya isku qabteen lahaanshiyaha dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla.

Maxamed Maxamuud Cabdulle oo kamid ah dadka ku dhaqan meel ku dhow deegaanka lagu dagaallamay ayaa Goobjoog News, u sheegay in dagaal xooggan uu maalintii shalay ahayd ka dhacay halkaasi.

Maxamed ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah.

“Dagaalkan mar kale ayuu soo noqday, waxaana dhintey dad ka badan 40, Soomaalida ayaa hadane ku gacan sareysa dagaalka oo dib ayeey u eryeen Oromadii weerarka soo qaadey” ayuu Yiri Maxamed.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi loo maleynayo iney ka qeybqaadanayaan ciidamo Itoobiyaan ah, islamarkaana caawinaya maleeshiyaadka Oromada.

Waa markii Labaad oo dagaal uu ka dhaco deegaanka Dheka ee gobolka Soomaali galbeed, waxaana bil kahor dagaal halkaasi ka dhacay ku dhintey dad ka badan 30 ruux.

Goobjoog News