U bood dhigaalka

Soomaali Lagu Xiray Maraykanka

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee dowladda Maraykanka ayaa magaalada Atlanta ku xiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood la sheegay in dalkaasi ay sharci darro ku joogeen.

10 qof ayaa la xaqiijiyey in ciidamadan ay xireen, kuwaasi oo hadda baaritaanno ay ku socdaan.

Soomaalida ku dhqan Atlanta ayaa arintan walaac ka muujiyey, waxaana howlgalka ka socda magaaladaasi yahay mid kaliya lagu baacsanayo dadka Soomaalida ah.

Dadka la qabtay waxaa suurtagal ah in dalkooda dib loogu soo celiyo, maadaama aanay sharci ku joogin Maraykanka.

Sidoo kale waxaa jirta dad kale oo sharciga ka maqnaa, islamarkaana dambiyo ku galay dalkaasi oo iyaguna lasoo xirey.

Ciidamada Maraykanka ayaa xoojiyey bilahan dambe howlgallada lagu baacsanayo dadka Soomaaliyeed ee sharci la’aanta ku jooga dalkaasi.

Goobjoog News