U bood dhigaalka

Soomaalida K/africa Oo Dhib Ku Qaba Helitaanka Baasaboorka Dalka

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan helitaanka Baasaboorka dalka, kana sii adkaatay qaabkii hore ee ay ku heli karaan.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee K/afrika, Maxamed C/laahi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay jiraan arday badan ay ku nool dalka K/afrika ay la yihiin Baasaboor ay ku galaan Imtixaankii Shahaadiga ahaa, halka qaarkoodna ay doonayeen in dalkooda kusoo aadaan.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in dadka qaar ay ka cabanayaan muddada lagu helayo Baasaboorka oo aad u dheer, kaasi oo gaaray 3 bil, safaaraduna aaney weli cabashadooda war cad kasoo saarin.

“Ardayda Imtixaankii dugsiyada geli lahaa waxay u baahan yihiin Baasaboor cadeynaya iney Soomaali yihiin, markii ay tageen safaaradana waxaa loo sheegay ugu yaraan in ay heli karaan 3 bil kadib, taasina waxay ka dhigan tahay inuu Imtixaanka seego ardayga meeshana ku beel dareeyo wixii uu 12-ka sano uu waday” ayuu yuru guddoomiye Maxamed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaalida K/afrika ayaa ka dalbaday safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi  iney degdeg jawaab soo siiso dadka Soomaaliyeed ee u baahan iney helaan Baasaboorka.

Goobjoog News