U bood dhigaalka

Soomaaliya: Hey’adda ICRC Oo Sheegtay In Wax Badan Ka Qabteen Gendi Dhibaateeyay Xoolaha

Sheeko:Caafimaadka

Hey’adda ICRC ayaa waxaa ay sheegeysaa in ay wax badan ka qabatay dhibaato uu xoolaha ku hayey Gendiga, iyada oo xoolo dhaqadatada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya arrimahaas ka gacan siiyay, taasi oo keentay in xoolihii tabarta darnaa, caano la’aanta ahaa ay maanta bilaabaan wax soo saar.

Gengida waxaa la leeyahay waa cayayaan dilaa ah kaas oo xoolaha marka uu qaniino ay ku dhacdo, tabar darri, miisaan la’aan, caano yari iyo hilibka oo wax soo saarkiisa liito, waxaa kale uu keenaa ayaa la leeyahay in xoolaha ay ku dhacdo dhalmo la’aan iyo in ilmaha soo tuuraan.

Gendiga oo ku dhacay sida ay hey’adda sheegtay gobollada Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka ayaa la sheegayaa in uu soo baxo xilliyada roobka, ku bad-baado dhirta iyo huurka badan, waxaa uu saameyn ku leeyahay xoolaha iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxaan xayiraad saarney Gendiga, innaga oo sameynay 2,000 oo dabin iyo daaweynta 500,000 oo lo’ ah xagga dhulka webiyada” sidaasi waxaa sheegay Massimo Zecchini oo ka tirsan  ICRC.

Goobjoog News