U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Aan Lagu Soo Darin Liiska Qiimeynta Aduunka Ee WEF

Sheeko:Dalka

Hey’adda World Economic Forum todobaakan waxaa ay soo saartay warbixin dheer oo lagu qiimeynayo  137 dal oo caalamka ah.

Waxyaabaha dalalkaasi lagu qiimeeyay waxaa ka mid ah: Kaabayaasha dhaqaale, waxbarashada sare iyo midda hoose, caafimaadka, hal-abuurka, tayada xagga suuqa, waxaa kale oo la qiimeeyay awoodda hey’adah dowliga ah iyo arrimo kale.

Dhanka dhaqaalaha Dalalka Afrika waxaa loo kala qeybiyay Waqooyiga Afrika iyo dalalka ka hooseeya Saxaraha, nasiib-darro qiimeyntan sida aad arki-doontaan kuma jirto Soomaaliya.

 

dafos

 

Dhanka Waxbrashada: Waxaa ka soo qaadan karnaa 1. Switzerland, 2. Singapore,  3. Finland, 4. US, 9. Germany, 16. Australia, 22. UK, 25. Israel, 29. China, 36. Japan, 40. France, 41. Saudi, 64. Russia, 101. Turkey, 117. Nigeria, 125. Brazil, 130. Egypt,

Waxbarashada Hoose:

  1. Finland, 2. Switzerland, 3. Belgium, 20. Germany, 24. UK, 25. US, 40. India, 47. China, 105. Turkey, 127. Brazil

Garasoorka:

  1. Finland, 2. NZ, 3. Norway, 9. UK, 15. Japan, 29. US, 54. India, 56. China, 95. Russia

Xagga  technology, 2017.

  1. Finland, 2. Norway, 3. Switzerland, 6. US, 9. UK, 11. Japan, 16. Germany, 19. France, 40. Saudi, 47. Italy, 57. Turkey, 72. India, 81. China, 84. Russia, 105. Iran, 132. Venezuela

Warbixin lagu eegayo tartanka kala duwan ee caalamka ka socdo, waxaa magaalada Davos ee Switzerland ka soo saaray World Economic Forum, waxaa uu so joogta ah u soo baxaa illaa 1971-dii.

Warbixintan ay kooxdan soo saarto waxaa ay dalalka uga faa’ideystaan wax ka qabashada faqriga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa kaabayaasha dhaqaale iyo wax soo saarka qofka.

Goobjoog News