U bood dhigaalka

Soomaaliya: Qoysaska Danta Yar Oo Aan Helin Adeegyada Caafimaadka Ee Asaasiga Ah

Sheeko:Caafimaadka

Helidda adeegyada caafimaad,  waxaa ay muhiimad u tahay qof kasta oo  Soomaaliya ku nool,  xilligii hore, waxaa ay ka mid ahaan jirtay wadamadii heli jiray adeegyada caafimaad ee loo simanyahay xilligii dowladdii dhexe, dadkuna adeeyadaasi waxa ay u heli jireen si siman,  mana u kala saarneyn mid wax heysta iyo mid dan yar ah.

Dr Maxamed Maxamuud Cali Oo ka howl-gala xarunta caafimaad ee Bulaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay ay muhiim u tahay in qof kasta uu helo daryeel caafimaad. “Mar haddii ay dowlad bixineyso adeeg sharciga koowaad waxaa waaye in loo sinnaado barnaamijkii la dhihi jiray daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka waxaa uu ku saleysanyahay in caafimaadka uu qof kasta helo loona simanyahay oo aysan kala sareyn jirin “.

Dad badan ayaa halis ugu jira inay dhintaan iyaga oo aan haysan kharashaad ay ku badbaadiyaan nafsadooda haba ugu badnaadaan hooyada iyo dhallaanka kuwaasi oo ah kuwo u nugul dayaca caafimaad.

Maano Cali,  Hooyo Danyar Ah isla markaana ku nool Kaamka Bay iyo Bakool ayaa waxaa ay tiri “Isbitaallada kaama yeelayaan lacag ma heysti”.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ee danyarta ah waxay la kulmaan halis xooggan oo soo wajahda xilliyada dhalmada waxayna ku dhex dhalaan xeryaha qaxootiga oo ay dhex deganyihiin, waxaana jira qaar u dhintay diig bax ka dib markii ay waayeen gargaarkii caafimaad oo ay u baahnaayeen.

Aamina Maxamed Hooyo Danyar Ah oo iyadana isla Kaamkaas ku nool waxaa ay tiri “ Shan ruux ayaa umul raacday oo gargaar waayeen dig baxna u dhintay iyaga oo dhalay markaasi “.

Cabsi ayaa soo wajahda xilliyada dhalmada hooyooyinka uurka leh ee waxbana heysan maadaama aysan heli Karin Isbitaallo u qaabilo si lacag la’aan ah waxaana kala badan lacagaha ay Isbitaallada ka qaadaan caruurta dhalaneysa iyada oo loo eegayo lab iyo dhadig.

Mulki Cali  ayaa ka mid ah dadka Kaamka ku jira oo la hadlay Goobjoog News

“ Waxaan ka cabsanayaa dhibaato ah markey foosha i qabato inaan waaye Isbitaal, Isbitaalkii hadaad tagtana waxaa lagu leeyahay lacag keen wiil hadaad dhashay $100 keen ayaa lagu dhahaa gabar hadaad dhashay waxaa lagu leeyahay $50 keen”.

Dowladdi dhexe uu dalku lahaa muhiimadda ugu badan waxay siin jirtay hooyada iyo dhallaanka waxaa uuna dalku lahaa xarumaha ugu badan oo bixiya adeegyada caafimaad lana xiriira hooyada iyo dhallaanka.

Dr Maxamed Maxamuud Cali ayaa sidoo kale ka hadlay daryeelka hooyada iyo dhallaanka “ Hooyada iyo dhallaanka meesha ugu muhiimsan waaye sideedaba caafimaadka ma jiro karo haddii dadka aad u nugul aan waxba loo qaban oo ah Hooyada iyo Dhallaanka degmo aan laheyn xarun Hooyo iyo Dhallaan ma jirin”.

Xilli habeena goor saqdhexana la joogo gurmadkii kuu imaan lahaa uusan diyaarsaneyn ayaa hooyooyinka danyarta ah la kulmaan fool kadis ah macquulna ay tahay daruufaha nolosha inay u sii dheeryihiin.

Haddii aad heysato adeeg caafimaad ama aad heli karto lacag aad naftaada ku badbaadsato  waxaa jira dad aan gadan Karin cirbad dhiig joojin ah sidaasna ku weynayo noloshooda.

Goobjoog News