U bood dhigaalka

Soomaaliya: WHO Oo Ka Digeysa Shuban Biyoodka Dilaaca Roobabka, 618 Ayaa Sanadkan U Dhimatay

Sheeko:Caafimaadka

Soomaaliya waxaa hadda ka bilowday roobab, waxaa la filayaa in ay dhacaan xaalado shuban biyood kuwaas oo uga sii daraya dhibaatada cudurkaasi oo horay u jirtay, hey’adda caafimaadka adduunka ayaa sidaa sheegeysa.

Ururka caafimaadka WHO waxaa uu soo gudbiyay in  32,000 oo Soomaali ah uu shuban biyood ku dhacay sanadkan bilowgiisa, tiradaas oo 618 oo ka mid ah ay u dhinteen.

“Abaarta waxaa ay keentay in dadka cabaan biyo wasaq ah, waxaana Soomaaliya ka dilaacay shuban biyoodkii ugu darnaa 5-tii sano ee la soo dhaafay, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka hey’adda caafimaadka adduunka  Taariq Jasarevic, isaga oo intaa raaciyay in dhibaatada ay ka dhalatay markii la waayey biyo nadiif ah, nadaafad, cunto la’aan iyo nafaqa darro.

UN-ka wejigii hore ee tallaalka oo dhammaaday March waxaa ay ku fuliyeen 450,000, waxaa ayna hadda bilaabeen wejiga labaad, waxaa la filayaa in la tallaalo in ka badan 2.5 Milyan oo caruur ah.

Goobjoog News