U bood dhigaalka

Taabit Oo Ku Dhowaaqay Dibadbax Ballaaran Oo Berri Ka Dhaca Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Taabit Cabdi ayaa sheegay in Arbacada Berri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono dibadbax ballaaran kaasi oo lagu muujinayo sida shacabka uga xunyihiin qaraxii ka dhacay Zoobe.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dhallinyarada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalin mug leh ay ka qaataan amniga iyo isku soo baxan oo ah mid tacsi.

Waxa uu guddoomiye Taabit kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed iney sii wadaan dareenka iyo midnimada ay muujiyeen.

“Maalinta Arbacad oo Berri ah galabtii waxaa la sameyn doonaa tacsi oo la isugu soo bixi doono dhammaan intii wax ku noqotay dhibkii meeshaan ka dhacay, waan hubaa dhammaan qof walboo Soomaali ah, muslim ah, bini’aadam ah oo adduunkaan ku nool inuu xanuunkaan gaaray…Muqdisho intii ay istaahishay dadkeedii wey ka heshay dadka adduunyadana waa ay ka heshay, waxaan idin ka codsanaa dhallinyarooy in la isku soo wada baxo, la wada imaado, magaalada socod ku marno, halmeel kaliya aanay noqon oo aan amniga u hiilino oo aan tusno in mar kale Muqdisho wax ka dhici karin, waxaan ku celinaa kalmadeydii ahayd dhallinyaroy Xamar aan ka xorreyno xabaasha badatay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ku dhowaad 300 oo qof ayaa ku geeriyootey qarax xooggan oo Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho iyadoo tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News