U bood dhigaalka

Akhriso Taariikh Nololeedka Hogaamiyaha Cusub ee Taalibaan Mullah Akhtar Mansoor

Sheeko:War

Mullah Akhtar Mansoor  oo ah hogaamiyaha cusub ee Taalibaan waxaa lagu tiriyaa nin dhexdhexaad ah, oo wada hadalka iyo diblomaasiyadda jecel, waxaa uu mar dhaw garwadeen ka ahaa wada hadallada Taalibaan iyo Dowladda.

Waxaa  uu ka tirsan yahay dadkii aasaasy kooxda Taalibaan lakin waxaa uu waligii jeclaa in aanu is qaaqaadin, taas oo keentay in ay aaminaan dagaalyahanada Taalibaan.

Mansuur, waxaa uu ku koray degmada Maiwand oo ka tirsan gobolka Qandahar  ee dalkaasi Afgaanistaan, waxaa ay isku gobol kasoo jeedaan Mullah Cumar.

Taalibaan oo ahaa koox dagaalo adag la gashay Hogaamiye kooxeedkii dalka Afgaanistaan, Mansuur waxaa uu ka mid ahaa dadkii wax ka aasaasay, isagoo dadkiisa taajiriinta ah lacag ka qaadi jiray si hub ugu qadato Taalibaan.

Waxaa uu Taalibaan ka noqday markii dambe Wasiirka duulista, waxaa uu wax badan kala socday dagaalada iyo weerarada cirka ee kooxda iyo mucaaradka Waqooyi kusoo qaadaan.

Waxaa uu aqoon fiican u lahaa Bin Laden xiligii uu ku noolaa Bin Ladin isagoo dagaalyahan ahaa markaas uu joogay airport-ka Qandahaar, waxaa uu sidoo kale halkaas ku bartay Dagaalyahano Carab ah.

Waxaa uu dowladda dalkaas isku dhiibay  2001, isagoo cafis weydiistay Madaxweyne, Hamid Karzai, kadib waxaa uu iskaga laabtay degaankiisii.

Mareykanka waxaa ay shaki qabeen in Taalibaan ay dhibka joojineyso, waxaa ay dagaal ku qaadeen goobtii uu degnaa, taas oo ku kaliftay Mullah Mansuur in uu u qaxo dalka Pakistaan.

Ugu Dambeyntii xiliga hadda la dooranayey waxaa uu madax ka ahaa Wada hadalka ay Dooxa dhexdhexaadinayso ee lagu wada hadalsiinayo Taalibaan iyo Dowladda.