U bood dhigaalka

Donald John Trump

Sheeko:War

Donald John Trump ayaa ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka, waa madaxweynihii 45-aad ee dalka Mareykanka, waa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee soo mara dalka Mareykanka.

Hadaba, Waa Kuma Donald John Trump:

Donald John Trump waxaa uu ku dhashay Queens, New York, June 14, 1946, isaga iyo afar kale oo ay walaalo yihiin, waalidka  Frederick C. iyo Mary MacLeod Trump waxaa lagu yaqaaney qoys  ku caan baxay ka ganacsiga dhulka goobo ay ka mid yihiin: Queens, Staten Island iyo Brooklyn.

Yaraantiisii waxaa uu ahaa cunug dhib badan, waxaa loo diray Iskuul ciidan halkaas uu muddo ku jiray si uu anshaxa iyo edab u barto, waxaa uu dhaqaalaha ka bartay University of  Pennsylvania, isagoo ka qaatay 1968  degree xagga dhaqaalaha ah , kadib waxaa uu ku shaqo bilaabay lacagta aabihiis oo Bilyuuneer ahaa.

University of Scotland ayaa waxaa ay siisay honorary degree kadib markii sida ay sheegeen uu wax badan ka geystay ganacsiga, markii dambana waa lagala noqday.

Barnaamijyada:

waxaa uu jilay Film-ka Two weeks Notice 2002-dii iyo Filimaan kale, 2004-tii waxaa uu sameeyay barnaamijka  The Apprentice isagoo ku caan baxay erayga “You’re fired iyo Barnaamijka shactirada ah ee Comedy Central Roasts ee ka baxay Comedy Central. 

Nin Ceykee ah:

1990: Film-ka the Ghost Can’t Do It ee uu jalay, waxaa uu helay abaalmarinta atoore kaaliyaha ugu xun.

Waxaa uu qoray buugaan sida “The Art Of The Deal”, Trump: The Art of the Comeback”, “Trump 101: The Way to Success” , Trump: How to Get Rich”, The America We Deserve”  iyo buugaag kale.

January 2007 waxaa magaciisa lagu qoray goobta dadka caanka lagu qoro ee loo yaqaano Hollywood Walk of Fame

Waxaa uu martigeliyay ciyaaraha feerka ee loo yaqaano  WWF, waxaa lagu qabtay Trump Plaza, xitaa marar qaar waxaa lagu arkayey isagoo feertamaya ama galaya goobta lagu feertamo.

Waxaa uu iska joojiyay cabitaanka Khamriga markii uu walaalkii Khamro darteed u dhintay laakin waxaa la yaab leh isagoo sameeyay warshad ka shaqeysa Khamrada, soona saaray Trump Vodka, 1991, waa uu musalifay isagoo iibiyay diyaarado, Maraakiib raaxo iyo  the Trump Princess. 

Muranno:

Sanadkii 2011, waxaa uu shaki geliyay in madaxweynaha Mareykanka Obama uu ku dhashay Mareykanka, in kasta oo Obama uu warqadda soo saaray April 2011 laakin waxaa ay ku qaadatay 6 sano in uu arrinkaas ka laabto.

Ganacsi:

Dollanad Trump waxaa uu leeyahay Hotello badan oo magaciisa xambaarsan Trump International Hotel & Tower , waxaa kaloo uu leeyahay 7 garoon oo lagu ciyaaro Gulf-ka, waxaa kaloo uu leeyahay Casino sida the Trump Plaza, Trump’s Castle iyo the Trump Taj Mahaganacsigiisa waxaa uu gaaray ilaa bariga dhexe, waxaa uu leeyahay ama uu shirko ku yahay ilaa 530  shirkad,  lacagtiisa waxaa lagu qiyaasaa $3.9 billion.

Qoyska:

Dollanad Trump waxaa uu guursaday 3 jeer:

Melania Trump            (22 January 2005 – Hadda) (1 cunug ayey u leedahay)

Marla Maples  (19 December 1993 – 8 June 1999) (waa furay) (1 cunug ayey u dhashay)

Ivana Trump    (9 April 1977 – 22 March 1992) (waa furay ) (3 caruur ah ayey u dhashay)

Isaga iyo Haweenka:

Rosie O’Donnell waxaa uu caayey 2006-dii, inta tartankan ololaha lagu guda jiray waxaa fadeexeeyay haween badan uu six un ula dhaqmay, waxaa ka mid ahaa haweeney u tartamay tartan qurux ah uu isaga qaban jiray iyo xitaa haween kale oo ganacsato ahaa. 

Dhanka Siyaasadda:

1987: Waxaa uu sheegay in uu u soo istaagyo madaxtinnimada Mareykanka

2000: Waxaa uu galay tartanka Madaxtinimada, isagoo sheegay in uu deymaha baab’in doono, isla markaana uu abuuri doono ganacsi xor ah.

2008: Waxaa uu aad u dhaliilay siyaasadaha Madaxweyne Obama isagoo markii dambe keenay sheekadii Obama in aanu ku dhalan Mareykanka.

2016: Xisbiga Jamhuuriga ayaa u doortay in uu noqdo ninka u tartamaya doorashada 2016-ka,