U bood dhigaalka

Taariikhda Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Guudl-Laawe Xuseen

Sheeko:Dalka

Cali Guudl-laawe Xuseen ayaa goordhaw ku guuleystay jagada madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, 86 cod ayuu helay halka Cali Xasan Taakow uu helay 10 cod, sidaa waxaa uu ku noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Taariikhdiisa oo kooban:

Waxaa uu ku dhashay degmada Mahadaay ee gobolka shabeellada dhexe, aqoontiisa waxaa ay gaarsiisan tahay ilaa heer Jaamacadeed.

Shaqo:

2001-2006: Madaxa Maaliyadda ee maamulkii Maxamed Dheer, muddo 5 sano ah.

2007-2009: Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe dhinaca maamulka iyo maaliyadda xiligii Cumar Geelle.

August 2014- October 2016: Waxaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe.