U bood dhigaalka

Tahriibayaal Badan Oo Lagu La Yahay Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Boqolaal Ruux oo kasoo jeeda qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika ayaa haatan lagu soo waramayaa in lagu la yahay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo tahriib ahaa.

Muhaajiriinta oo ka tagay dalka Liibiya ayaa ku safraayey dooni nooca kallumeysiga ah, waxaana hadda kooxaha u gurmaday sheegayaan in ay ka cabsi qabaan in dad badan ay dhinteen.

Tirada doonida saarneyd ayaa lagu qiyaasay in eey ahayd 700 (|Todoba boqol) oo qof, waxaase ilaa iyo hadda la helay 100 oo qur ah.

Ciidmada Cirka ee Ireland ayaa sheegaya in cabsida laga qabo in dhimashadu badan tahay ay aad u sareyso, halka dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ay durba xaqiijiyiin in tiro badani dhimatay.

Sanadkaan 2015 oo qur waxaa la xaqiijiyey in ay badweynta Mediterranean-ka ku dhinteen tiro ka badan 2,000 (Laba kun) oo qof, oo dhamaantood yihiin muhaajiriin nolol radinaya, iskuna dayaayey in ay galaan qaradda Yurub.

Goobjoog News