U bood dhigaalka

Taliayaha Booliska Somaliland Oo Ka Digaya Rabshado Amniga Wax U Dhimaya

Sheeko:Dalka

Taliayaha ciidanka booliska Somaliland Jeneral Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ay ka dhaceen rabshado isla markaana ciddii nabad-galyada wax u dhinta ay gacan adag marin doonnaan

Jeneral Fadal ayaa yidhi; “Waxaan bayaaminayaa ciddii Nabad-galaya wax u dhinta in ciidamadu ay gacan adag oo sharci ah ay marin doonnaan cidduu doonno ha ahaado.

Hal ruux ayaa geeriyooday lix kalena way dhaacwmay kaddib markii rabshado dhex maray dad shacab ah iyo ciidanka boolisku ay ka dhaceen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer – sida waxaa Goobjoog News u sheegay agaasimaha cisbitaalka Burco Cabdikariim Hayaan Muxumed.

Goobjoog News