U bood dhigaalka

Taliska Booliiska G/banaadir Oo Soo Saarey Ammaro Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa soo saaray ammaro u muuqda kuwo la doonayo in lagu sugo ammaaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Bishaar Abshir Geeddi, Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay u hoggaansamaan sharciga si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Waxa uu sheegay taliyaha in magaalada Muqdisho aan lagu dhex arki Karin gaari Taargo la’aan ah, ciddii ammarkaasi jebisana waxa uu tilmaamay in cadaaladda ay horkeeni doonaan.

Taliye Geeddi ayaa sheegay sidoo kale in Booliiska gobolka Banaadir uu si hagar la’aaneed ula shaqeynayo ciidamada Ilaalada waddooyinka si loo qabto cid walbo oo sharci darro ku socota ama jebisa ammarada lasoo saaray.

“Waxaan Leenahay Baabuur Taariko la’aaan ah kuma socon karo gobolka Banaadir, waxaan leenahay qofkii u hoggaansami waaya ammarkaasi sharciga ayaan horgeyneynaa, sidoo kale markii Nabad galyada waddooynka iyo gaadiidka sida ay u kala soconayaan la xaqiijiyo amniga kale inta kasoo hartay waxbaa laga qaban karaa, laakiinse hadda amni darada iyo in cadow nagu dhex noolaado oo umadda Soomaaliyeed gumaadaan annaga ayaa gambaad u ah oo u dhaqannay sidii sharciga inaan ka weynnahay, waa in sharciga dhammaanteen naga weynaadaa, waxaan garab taagannahay ciidanka nabadgalyada waddooyinka, habeen iyo maalin waan la shaqeyneyaa” ayuu yiri Taliyaha.

Waxaa jira gaadiid aan wadan Taargo, ayna saaran yihiin askarta dowladda oo mararka qaar lagu dhex arko magaalada Muqdisho.

Goobjoog News