U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Oo Ka Hadlaya Howl-gallo Ka Socda Maxaas iyo Matabaan

Sheeko:Dalka

Taliska guutada 5aad qeyteeda 72-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kana howlgala gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa xarakada Al-shabaab dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Garbo ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa dhacaya xilli deegaannada u dhaxeeya Baladweyne iyo Maxaas maalinkii 2aad ay ka socdaan howgallo lagu furayo waddooyinka ayna ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Taliyaha qeybta 5-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan sarreeyo Guuto Tawane Axmed ayaa sheegay in deegaanno badan oo markii hore fariisin u ahaa Al-shabaab ay saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga ay gacanta ku dhigeen.

“Howlgallo ayaa ka bilowday Gobolkaan Hiraan aagga u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ayaa Al-shabaab waxay isku dayeen inay jidadka ay ka jaraan dadka oo magaalooyinka ay kala jaraan sida caadada u ah dadka ayay ku dhibaateeyaan xoolo baadna waa ay uga qaadaan, meeshaan howlgal ayaa ka bilowday sideedii bisha “.

Hiiraan waxaa ay ka mid tahay gobollada sida joogtada ah ugu dagaalaan dowladda federaalka ah iyo Al-shabaab,