U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Oo Shaqada Laga Joojiyey, Lagana Dhigay Xabsi Guri

Sheeko:Dalka

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taas oo shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.

Wuxuu Xeeriyey:-

1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=