U bood dhigaalka

Taliyaha NISA Oo Sheegay In Dowladda Ay Ku Jiraan Dad Aan Arkeyn Wanaagga

Sheeko:Dalka

Taliyaha hay’adda nabad sugidda qaranka ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa digniin kulul u diray mas’uuliyiin ka tirsan isla dowladda kuwaas oo uu sheegay in ay u heystaan in xasaanadda ay wax walba u fasaxeyso in ay ka hadlaan.

Taliyaha NISA oo ka hadlay isku dhac shalay ciidamo kawada tirsan dowladda ku dhex maray Mugdisho, ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo u heysta in xoriyatul qowlka uu u fasaxayo in bulshada kiciyaan oo ay dowladda dhaliilaan iyaga oo ku mashquulay wax ka sheega dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda qaar kood ay shaqo ka dhigteen dhaleeceynta dowladda Soomaaliya iyo in shacabka ay dowladda ka hor keenaan, isaga oo tilmaamay in xasaanadda iyo xoriyatul qowlka uusan ka dabooleyn in ay la xisaabtamaan mas’uuliyiintaan caadeystay hab dhaqankaan qaldan.

“ Waxaa jira dad Mas’uuliyiin ah oo qaarkood ay dowladda ku jiraan oo dhayalsanaya in magaaladaan uu dhib ka dhaco oo maalintii uu qarax dhici waayo dhahaya maanta maxaa dhacay qarax madhicinee,kuwaas oo degdeg iyo dhibaato u qabo in magaaladaan uu dhib ka dhaco”.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay ku jiraan dad aan arkeyn wanaagga iyo horumarka uu sameynayo dalka, waxaa uu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiintaas ay u shaqeeyaan danaha shisheeye oo ay yihiin caado qaatayaal dowladdana ay gacan bir ay ku qaban doonto mas’uulkii lagu arko in uu iska horkeenayo shacabka iyo dowladda.

“Qof mas’uul ah oo boqol wanaag haddii la sameeyo aan ka hadleyn waxyar haddey dhacaan la soo boodayo xumaan iyo in ay six un fasiraan ayaa jira taasi waa nasiib darro”. ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliyaha.

Goobjoog News