U bood dhigaalka

Taliye Ku Dhaawacmay Israsaaseyn Dhexmartay Ciidamo Ka Wada Tirsan Puntland

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada ilaalada dekadda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi iyo Labo askari oo ka tirsan Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn maanta dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Wararku waxay sheegayaan iney isku dhaceen askar ka kala tirsan Booliiska iyo kuwa ilaalada badda ee Puntland, waxaana la is weydaarsaday rasaas xooggan.

Taliyaha iyo Labada askari ee dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda ay tahay mid yara roon, waxaana la dhigay isbitaalka guud ee Boosaaso.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in isku dhacaan yimid kadib markii ay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada badda ee Puntland ay Isbaaro dhigteen waddo kamid ah Boosaaso, waxaana kusoo baxay kuwa Booliiska oo ammar ku bixiyey in la qaado, hase ahaatee is faham waa kadib waxaa la isla dhacay rasaas culus.

Weli arrintaan kama aanay hadal mas’uuliyiinta Puntland, balse Boosaaso maalmahan dambe waxaa ka jirey falal amni darro ah.

Goobjoog News