Taliye Ku Xigeenkii Saldhigga Bartamaha Ee Boosaaso Oo La Diley

Dil ok

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay dileen taliye ku xigeenkii saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Taliye ku xigeenka la diley waxaa lagu magacaabayey Cabdi Dheere, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen rag bistoolado ku hubeysan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii wax diley ay halkaasi ka baxsadeen, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada Puntland.

Waxaa soconaya howlgallo ay wadaan ciidamada, iyadoo illaa hadda aan la shaacin cid lagu soo qabtay howlgalkaan.

Boosaaso waxaa  maalmihii ugu dambeeyay kusoo batey dilalka qosheysan, xilli Puntland ay aad u adkeysan ammaanka guud ee magaaladaasi.

Goobjoog News