U bood dhigaalka

Taliyeyaal Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka, NISA, Iyo Booliiska Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo golaha wasiirada ayaa lagu magacaabay taliyeyaasha ciidamada NISA, Booliiska iyo xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana xilalkii laga qaaday taliyeyaashii hore.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jeneraal C/laahi Cali Caanood.

Taliyaha ciidamada Nabad sugidda waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Sanbaloolshe oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka, horeyna xilkaasi usoo qabtey dowladda Xasan Sheekh.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxaa loo magacaabay C/xakiin Daahir Saacid.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News