U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Nabad Sugidda Iyo Booliiska Oo Xilalkii Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis u sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda qaranka, kadib kulan ay goluhu isugu yimaadeen.

C/xakiin Daahir Saacid iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa xilalkaan loo magacaabay April 6 2017, iyadoo 7 bil kadib xilalkaasi dib looga qaaday.

Sababaha ugu weyn ee soo dedejisay xil ka qaadista mas’uuliyiintan ayaa ah, amniga Muqdisho oo faraha ka baxay, iyadoo magaalada ay ka dhaceen qaraxyo khasaare badan u geystay shacabka Soomaaliyeed 15 cisho gudaheed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News