U bood dhigaalka

Teknoolajiyada iyo dhismaha Oo Isku Bedali Doona Digital

Shirkadaha  naqshadaha iyo dhismaha ayaa awooday inay arkaan naqshada Computerada ee 3D oo ay u isticmaalayaan dhismayaashooda mudo badan.

Laakiin hadda waxay samayn karaan inay arkaan gudaha naqshada, iyadoo ay xiranayaan qalab madaxa la gashto oo leh teknoolajiyada (VR), isagoo siinaya aragti 360 degree ah.

Waxaa intaas dheer, dadka isla shaqeeya ayaa sidoo kale qalabka madaxa gashanaya oo arkaya isku wax, kadibna wax ka badali kara naqshada isla waqtigaas.

Shaqaalaha ayaa kala joogi kara meelo kala duwan caalamka ayaa awood u helaya in ay qabtaan shaqo ay raalli ka wada yihiin

Tani waa arrin wax xiiso leh oo ku cusub dhismaha – taasoo ah horumar uu gaaray ganacsiga dhismaha.

Madaxa mashruuca Crossrail ee lagu dhisayo tareeno UK, Wolstenholme, ayaa sheegay “Taariikh ahaan aad ayaan uga gaabinay hal abuurka, ma aysan jirin baahi loo qabo isbadal.

“Laakiin hadda, anagoo u baahan inaan fursado ka helno dibadda, waxaan joognaa meel aan faa’iido heli karno”

Borogoraamka (BIM) oo samaynaya barnaamijyada 3D ee digital-ka ayaa la sii horumarinayaa.

Shirkadda Vizerra, oo saldhigeedu yahay San Francisco, ayaa bilowday awooda “gamification” iyo VR ee borogaraamkeeda BIM ee Revizto.

BBC