U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Mowsil, Ciraaq

Sheeko:Dalka

In ka badan Tobaneeyo qof oo ay ka mid yihiin dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay magaalda qadiimiga ah Mowsil, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Ciraaq iyo ururka Daacish.

Korneyl Cabdiwahaab Al-hilaalii oo ka tirsan ciidamad booliska Ciraaq ayaa waxa uu sheegay  in 9 Askari oo ka trisan ciidamada waddanka Ciraaq lagu dilay dagaalka halka 14 kale ay soo gaareen dhaawacyo.

Waxaa la sheegaa in ka badan boqol kun oo qof oo ciraaqiyiina inay ka xaqeen xaafadaha ku yaallo daarta galbeed ee magaalda Mowsil, kuwaas oo ka cararay duqaymaha iyo dagaalada ka socda magaalda, sidoo kale waxaa kordhay tirade dadka qaxay tan iyo markii lagu dhawaaqay bartamihii bishii October ee sanadkii tagay hawlgalkii lagu soo celinaayay magaalda Mowsil waxayna gaareen tirada qaxday 255 kun oo qof .

Goobjoog News