U bood dhigaalka

Trump: Haddii Aanuu Jiri Lahayn “Twitter” Ma Joogeen Aqalka Cad!

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay adeegsigiisa baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, isagoo tilmaamay haddii aanu jiri lahayn iney ku adkaan lahayd sidii uu ku gaari lahaa maamulka Aqalka Cad.

Wareysi uu Trump la yeeshay shabakadda Fox Business ayuu ku sheegay in wararka been abuurka ah ee dhanka warbaahinta uu kaga falceliyo si  degdeg ah bartiisa Twitter-ka.

“Markii qof wax iga sheego, si degdeg ah ayaan uga falcelin karaa..arrintaa la’aanteed inaan hadlo iima suurtogasheen.”, ayuu yiri, Madaxweyne Trump.

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Qoraallada baraha bulshada waa sidii teebka oo kale… marka aad qorto isla markiiba horey ayay ka faafaysaa.”, waxaanuu ku tilmaamay baraha bulshada FacebookTwitter iyo Instagram, iney yihiin baro aad u qiimo badan.

Madaxweynaha Trump ayaa si cad u sheegay haddii aaney jiri lahayn baraha bulshada ay ku adkaan lahayd inuu madaxweyne noqdo:

“Haddii aan runta kuu sheego, shaki ayaa igaga jira inaan halka joogi lahaa, haddii aaney jirin baraha bulshada.”

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ka weerara siyaasiyiinta iyo warbaahinta mucaaradka ku ah, isagoo bartiisa wax kusoo qora xilliga kasta; subaxa hore iyo xilliyada dambe ee habeenkii.