U bood dhigaalka

Trump Iyo Putin Oo Ka Wada Qeyb-galaya Shirka Dhaqaalaha Ee Asia-Pacific-ga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gacan galiyey dhiggiisa Ruushka Fladmiir Putin intii lagu guda jiray casho sharafeed lagu qabtay xarunta madasha dhaqaalaha dowladaha Aasiya iyo badweynta hindiya ee Fiidnaam.

Labadan hogaamiyey ayaa waxay is dhaafsadeen dhoolo caddeyn iyaga oo is barbar istaagay si ay ugalaan sawirro wadareed ka dibna mid walba waxaa uu ku laabtay booskiisa.

Dhanka kale war ka soo baxay aqalka cad ayaa waxaa lagu sheegay inuusan jirin kulan rasmi ah oo dhex maray labadaan hogaamiye.

Sarah Huckabee Sanders oo ah afhayeenka aqalka cad oo warbaahinta la hadashay ayaa waxaa ay sheegtay inuusan jirin kulan rasmi ah oo ku dhexmaray Trump iyo Putin xarunta madasha iyada oo intaas ku dartay in aan la fileynin in hogaamiyaashan ay kulan yeeshaan.

Maanta oo Sabti ayaa la filayaa in magaalo xeebeedka lagu qabto kulanka hogaamiyaasha madasha dhaqaalaha ee Aasia.

Goobjoog News