U bood dhigaalka

Trump Oo Golaha Kongareeska kala hadlay Duqeyntii Syria Ugana digay in Tallaabo Kale Ay Qaadaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xubnaha aqalka kongareeska waxa uu u gudbiyay arrin ku saabsan duqeyntii uu marakaynka uu ka geestay dalka Syria,isagoo koongareeska ugu digay inay qaadaan tallaabooyin kale.

Donald Trump fariinta uu gaarsiiyay golaha aqalka Koongareeska ayaa waxay ku qotontay gantaalladii uu maryakanka uu ku duqeeyay saldhig u yaallo Syria, duqeyntaas oo uu sheegay inuu asiga amray si ayuu yiri hoos loogu dhigo duqeymaha Sria geysanayso.

Trump ayaa sheegay in xaalad lagama maarmaan ah haday timaado uu maraykanka uu qaadayo tallaabooyin kale.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa waxa uu ku tilmaamay duqeynta uu maraykanka uu ka geestay Sria inay ahayd mid u eg hawlo argagixiso.

Dowladda Syria ayaa horay is kaga fogaysay in magaalda Khan Shaykhun aysan u adeegsan wax hub cheimical ah.

Jaamac Shidane

Goobjoog News