U bood dhigaalka

Trump Oo Iran Ku Tilmaamay Maamul Xagjir Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ayaa diiday in uu qiro in Iran u hoggaansantay heshiiskii Nukliyeerka  kaasi oo la saxiixay 2015,  waxaa uuna ku tilmaamay Tahraan tahay  maamul xagjir ah.

Trump ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey inay arrinkaani uu hor geyn doono golaha Congress, si uu ula tashado isbaheysiga Mareykanka sidii isku shaandheyn loogu sameyn lahaa heshiiska Iran.

Waxaa uu ku tuhmay Iran in ay taageerto argigixisada,isaga oo intaasi raaciyay inuu xiri doono dhammaan wadooyinka ay Dahran ka hesho hubka Nukliyeerka.

Dhanka kale Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani oo jeedinayey qudbad Telefishan, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Nukliyeerka  aysan Dahran la saxiixan oo kaliya Mareykanka , si uu uga sameeyo Turmp waxaa uu doonayo.

Rooxaani ayaa intaasi ku daray in Trump uu golaha Congress ka doonayo in heshiiska lagu daro qodobo isaga oo tilmaamay in uusan aqbali doonin wax isku shaandheyn ah.

Goobjoog News