U bood dhigaalka

Trump Oo Ka Jaraya Mucaawimada Ay Falastiin Ka Hesho Mareykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu jari-dooni mucaawimada lacageed ee uu siiyo Falastiin isaga oo ku eedeeyay inaysan u muujineyni wax xushmo ah.

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku qoray “ Wadankeyga Waxaa uu siiyaa Falastiin Boqolaal Million oo doolar sanadkii ma aana ka helin wax qadarin ah iyo xushmo”.

Trump ayaa cabiray inuu aaminsanyahay in falastiiniyiinta aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan wadaxaajoodka nabadeed ee u dhaxeeya iyaga iyo Israel laguna soo celinayo arinta nabad-gelyada.

Falastiiniyiinta ayaa dhankooda cabiray inay ka careysanyihiin go’aankii uu Trump ugu aqoonsaday Qudusta bari inay tahay magaalo madaxda maamulka Israel.

Madaxda Falastiin ayaa diiday inay soo dhaweeyaan ku xigeenka madaxweynaha Mareykanka Mike Pence kaasi oo doonayey inuu bishaani Qudus.

Goobjoog News