U bood dhigaalka

Trump Oo Sheegay In Dhaqaalo Badan Ku Bixiyaan Difaaca Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay heshiiska ay xukuumadda Washington ay la gashay waddanka Sacuudiga, isagoo tilmaamay in Sacuudiga uu heshiiskaas uu ka fiirsanayo danihiisa oo kaliya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan si cadaalada uusan kula dhaqmin waddanka Maraykanka, isagoo hoosta ka xarriiqay in Maraykanku uu dhaqaalo farabadan uu ku bixiyo difaaca waddanka Sacuudiga.

Quburo u dhalatay waddanka Sacuudiga  ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xiriirka Labada dal uu soo wanaagsanaanayo ka dib markii uu Washington uu booqday dhaxal sugaha waddanka Sacuudiga Maxamed Bin Suleymaan uuna la kulmay madaxweyne Donald Trump.

Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriiro qoto dheer leh, kuwaas oo ku tiirsan in Sacuudigu uu siiyo Maraykanka shidaal halka maraykankuna uu ilaaliyo nabadgelyada waddanka Sacuudiga.

Balse xiriiradaas ayaa waayihii dambe waxay noqdeen kuwo ay soo kala dhexgalaan  xiisado ka dib markii uu Donald Trump uu xilka uu la wareegay.

Goobjoog News