U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Mareykanka Oo Is Dhaafsaday Xayiraadda Soo Saaridda Dal Ku Galka

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa go’aansatay in ay joojiso u soo saaridd Visooyinka muwaadiniinta Mareykanka ah, marka laga reebo viisaha socdaalka, ka dib tallaabo midaan oo kale oo uu mareykanka qaatay xilli hore tasi uu muwaadiniinta Turkiga uu uga macnuucay soo saaridda Visah.

Safaaradda Turkiga ee ku taallo Washington, D.C. ayaa sheegtay inay u baahantahy iney qiimeyso in madaxda mareykanka ay siinayaan shaqaalaha safaaradda nabadgelyo.

Safaaradda Mareykanka ee ku taallo Ankara ayaa sidaan oo kale horay u soo saartay war-murtiyeed u eg midka ay soo saartay safaaradda Turkiga.

Arrimahaan oo dhan ayaa waxay imaanayaan todobaad ka dib markii la xiray nin ka shaqeynayey qunsuliyadda mareykanka uu ku leeyahy Istanbul,kaasi oo lagu tuhunsanyahy inuu xiriir la leeyahy wadaad diimeedka Fethullah Gülen.

Washington ayaa ku tilmaantay xiridda ninkaani mid aan loo cuskan wax cadeyn ah ayna arrintaani xumeyneyso xiriirka ka dhaxeeya labad dal.

Wakaaladda wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegtay in ninka la xiray uu yahay nin Turki ah.