U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga Oo Ciqaabay Holland, Akhriso Sheekada Billow Illaa Dhammaad

Sheeko:Dalka

Todobaadkan, dalka Holland ayaa labo wasiir oo ka tirsan dalka Turkiga u diiday in ay ka qeyb galaan, kana hadlaan kulammo lagu taageerayo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan taasi oo keentay in Ankara ay xiriirka u jarto Amsterdam, kuna soo rogto cuna-qabateyn ay ku jirto xiriirka diplomaasiyadeed.

Dibad-baxyadan oo shacabka Turkiga ay ku taageerayaan in Tayyip Erdoğan uu helo awoodo dastuuri ah aftida dhaceysa bisha soo socota waxaa ay sidoo kale ka dhici doonaan Jarmalka gaar ahaan magaalooyinka Berlin, Stuttgart, Hamburg, Munich iyo North Rhine-Westphalia halkaas oo 1.4 Milyan oo Turki ah oo codkooda dhiiban kara ay ku nool yihiin.

Bilowga Sheekada:

Madax ka tirsan Turkiga ayaa u safray midowga Yurub si jaaliyadda dalka Turkiga ee dalalkaasi ku nool uga dhaadhiciyaan aftida loo qaadayo dastuurka cusub iyo awoodaha la doonayo in uu helo madaxweyne Tayyip Erdoğan.

Ugu horreyntii magaalada The Hague ayaa diidday in ay ka soo degto diyaarad uu la socday wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu si uu ula hadlo taageerayaal halkaasi ku sugnaa.

Tillaabadaas waxaa xigay  in wasiirka qoyska Fatma Betul Sayan Kaya loo diiday iyadana in ay gudaha Hollanad gaar ahaan magaalada Rotterdam kula hadasho taageerayaasha Erdoğan, gabadhan oo ka dalkaasi ka soo gashay Jarmalka ayaa dib loogu celiyay isla dalkaasi, arrintaas oo dalka Turkiga iyo xulafadiisa ay aad uga xumaadeen.

Jawaabta Turkiga:

Turkiga jawaabta uu ka bixiyay waxaa ay noqotay mid deg deg ah, Ankara waxaa ay joojisay xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal,  waxaa ay diiday in safiirka Holland uu dalka soo galo, waxaa ay baabi’isay shirar iyo kullamo dhex mari lahaa mas’uuliyiinta labada dal, waxaa kaloo ay mamnuucay in diyaarado sida diblomaasiyiin Turki ah ay soo galaan dalkaasi ama hawadeeda isticmaalaan, intaasi waxaa dheer in labo wasiir oo dalkaasi ka tirsan ay dacweyn doonaan dalkaasi Hollanad sida foosha xun ee loola dhaqmay. waxaa kaloo ay qarka u saaran tahay  Ankara in ay ka baxdo heshiiska socdaalka tahriibayaasha ee dhex-maray Turkiga iyo Yurub.

Saameynta Isku Dhaca Turkiga Iyo Hollanad:

Ka sokow xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, tusaale ahaan ganacsatada Hollandiiska ah ee maalgeshi ku sameeyay dalka Turkiga  intii u dhaxeysay sanadihii 2005-2015, waxaa ay qarash-gareeyeen lacag dhan  $20 billion. Sanadkii tagay ee 2016-ka ganacsiga labada dal dhex maray waxaa lagu qiyaasay illaa $6.6 billion….xiriirka labada dal waxaa uu jiray muddo ka badan 400 oo sano.

Yurub Waxaa Ay La Safatay Holland:

In kasta oo dalka Turkiga qeyb ka yahay NATO hadana dalalka ku jira midowga Yurub waxaa ay la safteen Holland, tusaale ahaan Angela Merkel oo madax ka ah dalka Jarmalka waxaa ay sheegtay in ay ka hortagi doonto in dhibka ka dhacay Holland uu dalkeeda saameeyo, illaa 4 dibad-bax oo lagu waday in ay ka dhacaan Austria iyo mid kale oo ka dhici lahaa dalka Switzerland ayaa la hakiyay kadib markii ay Holland iyo Turkiga isku dhaceen….waxaa intaa dheer mas’uul kasta oo Yurub ah oo hadlaya waxaa uu Tayyip Erdoğan ka dalbadaa in uu lahjadda dabciyo.

Dalka Holland Islaamka Lagama Jecla:

Dalka Turkiga waxbo ma reeban, waxaa uu caalamka u sheegay in Holland ay la mid tahay Nazigii Jarmalka, Fajistihii Talyaaniga ee dagaalkii labaad ee adduunka dhaliyay, intaasi kuma ekaan ee Ankara waxaa ay Amsterdam ku eedeysay in ay mas’uul ka aheyd xasuuqii ka dhacay Srebrenica  kolkaas oo illaa 8,000 oo Bosnian  muslimiin ah la dilay iyaga oo ay indhaha ka fiirsanayaan ciidamada Hollanad.

Yurub Ma Jecla Hoggaanka Erdoğan:

Awoodaha dastuuriga ah ee uu raadinayo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan kuma qansana dalalka ku jira midowga Yurub, awoodda uu helo Erdoğan waxaa ay saameyn doontaa dalalka NATO, bariga dhexe iyo dhammaan dalalka Islaamka,  waxaa kaloo dalalkaasi Yurub iyo reer galbeedka  dhibaya in madaxweyne Islaam ah oo iyaga daris la ah uu dhammaan awoodahaasi la haado.

Jawaabta In “Haa Lagu Codeeyo”

Khudbad uu ka jeediyay Ankara, Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu sheegay in Yurub loogu jawaabi doono natiijada ka soo baxi doonta codbixinta dalka Turkiga ka dhici doonta April 16-keeda.

Goobjoog News