U bood dhigaalka

Turkish Airlines: Soomaaliya Waxey Kamid Tahay Meelaha Aan Faaidooyinka Ugu Badan Ee Caalamka Ka Sameynno

Sheeko:Dalka

Madaxa shirkadda Turkish Airlines u qaabilsan dalka Kenya oo Reuters la hadlayay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kamid yahay dalalka ay shirkadda faaidooyinka ugu badan ka sameyso.

“Soomaaliya waxey kamid tahay meelaha aan faaidooyinka ugu badan ka sameyno caalamka” ayuu yiri Mustafa Ozkahraman oo ah madaxa Turkish Airlines u qaabilsan dalka Kenya.

Mustafa Ozkahraman ayaa intaasi kusii daray in shirkadda TA ay tahay shirkadda kaliya ee duulimaadyo caalami ah ka sameysa Soomaaliya.

“Soomaaliya waxey kamid tahay meelaha aan faaidooyinka ugu badan ka sameyno caalamka. Sababtoo ah waxaan nahay shirkadda kaliya (ee caalami ah) oo ka howlgasha Soomaaliya” ayuu sii raaciyay Ozkahraman.

Horraantii sanadkii 2012 ayey aheyd markii ugu horreysay oo shirkadda Turkish Airlines ay duulimaadyadeeda ka bilowdo Soomaaliya, waxeyna aheyd markii ugu horreysay oo duulimaadyo ka baxsan Bariga Afrika ay Soomaaliya hesho.

Kumanaan Soomaali quba-joog ah ayaa dalka dib ugu soo laabto sanad walba. Adeegga duulimaad ee Turkish Airlines ayaa u muuqda mid u daneynaya labada dhinac, shirkadda iyo Soomaalida.

Goobjoog News