U bood dhigaalka

Ujeedada Safarka Farmaajo Ee Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda dalka Turkiga, iyada oo halkaasi uga bilaaban doonto booqasho 3 maalin ah.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Turkiga waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadlaan Farmaajo iyo Erdogan xiriirka labada dal, heshiisyadii hore ee labada dhinac iyo shirka London.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha beeraha oo madax badan oo Afrikaan ah uga qeybgalayaan dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga aadaya kadib maalin uun markii ay Ankara sheegtay in 10 Milyan oo Dollar ay ku kabi doonto miisaaniyadda Soomaaliya.

Booqashada ayaa sidoo kale imaaneysa 9 maalmood kadib markii madaxweynaha Turkiga uu ku guuleystay afti ay dadka Turkiga ku siiyeen awoodo dheeraad ah, arrintaas oo Yurub oo meelo kale laga deyriyay.

Waa Booqashadii 5-naad ee Farmaajo uu dalka dibadiisa ku aado tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo, waxaa xusid mudan in booqashooyinkii hore aan la sheegin wax uu ka soo helay iyo haddii ay jireen heshiisyo la gaaray.

Goobjoog News