U bood dhigaalka

UK Oo Dib u Eegeysa Qarashka Ay Siiso AMISOM

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dib u eegis ay ku sameyn doonto qarashka ay siiso ciidanka Midowga Africa ee howlgalka AMISOM ka wada Soomaaliya.

Boris Johnson, xoghayah arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka fiirsaneyso dhaqaalaha ay ku bixiso ciidamada AMISOM, iyadoo gundhig looga dhigayo qeybta wadankiisa uu ka qaato bixinta dhaqaalahaasi.

Waxa uu sheegay Boris in arrintaan ay muddo ka fikirayeen, iyaga oo ka fiirsanaya in arrintan ay kiciso is maandhaaf diblomaasiyadeed, ama kala qoqob ku yimaada wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in UK ay u caawineyso AMISOM iney nabad kusoo dabaalaan Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ilo ku dhow, kulan ay yeesheen madaxweynaha Ugand iyo xoghaye Boris Johnson in laga yaabo arrinkaan in lagu soo banhigo kulan ka dhici doona dalka Ingiriiska kaasi oo looga hadli doona arrimaha Soomaaliya bisha May, isaga oo shirkaasi ku casiimay madaxweynaha Uganda Yuweri Mussevani.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka ka qeybqaata bixinta lacagaha la siiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoog News