U bood dhigaalka

UK Oo Dul-saar Bixin Doonta Lacag Ay Dadkeeda Ku Dhiibaan Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda UK ayaa dadkeeda ku dhiirigelisay in ay lacagta ku bixiyaan hey’adda musiibooyinka ee “Disasters Emergency Committee” ee bariga Afrika, si loo taageero dadka dhibaateysan, Uk waxaa ay Geni ku dul-saari doontaa £5 million ee soo socota ee todobaadkan shacabka iska aruuriyaan.

Waxaa kaloo jirtay in lacag dhan illaa £5 million ay horay u bixisay dowladda UK, iyaga oo sheegay in la doonayo in la uruuriyo ilaa £12 million  oo wax looga qabanyo abaaraha ka jira geeska Afrika.

Priti Patel oo ah xogheynta UKu qaaabilan arrimaha hor-umarinta waxaa ay dadka waddaankaas ugu mahadcelisay sida ay gacan uga geysteen badbaadinta dadka ku waxyeeloobay geeska Afrika iyada oo ballan-qaaday in xukuumadda ay dul saar bixin doonto lacagta ay bixiyaan.

Marwo  Patel waxaa ay shacabka Ingiriiska ku ammaantay sida ay uga jawaabeen baahida iyo abaarta jirta iyo weliba sida lacagtii ay bixiyeen loogu iibiyay cunto, biyo iyo qalab caafimaad.

Goobjoog News