U bood dhigaalka

Ururka Xisbullahi Oo Iska Fogeeyay In Ay Hub U Diraan Yeman     

Sheeko:Dalka

Xassan Nasrallah xogheya guud ee ururka Xisbullahi  ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay oo ah inay ku lug leeyihiin ururka taageeridda argigixisada.

Nasrallahi ayaa iska fogeeyay in Xisbullahi ay Yeman u dirto hub, waxaa uuna diiday eedeymaha ay boqortooyada Sacuudi Carabiya u soo jeedisay kooxdiisa oo aheyd in lug ay ku lahaayeen gantaal lagu soo riday boqortooyada.

Nasrallahi ayaa godbadiisa ku weeraray wasiirada arrimaha dibadda ee carabta kuwaas oo ku eedeeyay ururka inay taageeraan argigixisada, waxayna ku sheegeen kulan ay axaddii ay ku qabteen xarunata ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Xassan Nasrallah ayaa eedeymaha loo jeediyay waxaa uu ku tilmaamay waxa laga xumaado oo soo laablaabto isaga oo yiri “ Waxaan doonayaa inaan u xaqiijiyo majiraan wax gantaal ah,majiraan wax hub horumarsan xitaa ma jirto biskoolad,waxaan si cad u diidayaan annaga hub uma dirno Yeman,Baxreyn,Kuwait iyo Ciraaq”.

Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Iran  Lebanon iyo Sacuudiga ayaa todobaadyadii dambe waxaa soo kala dhexgalay xiisado,kuwaas oo ka dhashay gantaal laga soo riday meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha Kowthiyiinta ah waxayna ku soo rideen dhanka boqortooyada Sacuudiga.

Waxayna boqortooyada ay ku eedeysay ururka Hezbollah oo taageera Xowthiyiinta inay kaalin weyn ku lahaayeen gantaalka.

Xassan Nasrallah ayaa dalbaday in la eego xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Isaraa’iil isaga oo sheegay inay jiraan tilmaamo muujinaayo xiriir inuu ka dhaxeeyo.

Goobjoog News