U bood dhigaalka

Villa-Hargeisa: Ra’isul Wasaare Khayre Oo Golaha Shacabka U Sharaxaya “Qaabaynta Amniga Qaranka”

Sheeko:Dalka, War

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa lagu wadaa in caawa 7bada fiidnimo uu golaha shacabka uga jawaabo arrinta siyaasadda qaran ee dhismaha ciidamada qalabka sida ama “Qaabaynta Amniga Qaranka”, sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay qaar ka tirsan Xildhibaannada mooshinka keenay.

Kulankan oo ka dhacaya Villa Somalia, waxaa ka qeybgalaya ra’isul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga oo dhinac ah iyo guddoonka golaha shacabka iyo guddiga difaaca iyo amniga dhinac kale ah.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa guddoonka iyo guddiga warbixin ka siin doona waxa loola jeedo heshiiskii dhowaan dhacay, siyaasadda qaran ee dhismaha ciidamada qalabka sida iyo su’aalo kale oo guddiga ay qabaan.

Talaadadii, Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaanno kale oo isla golahaasi ka tirsan ayaa mooshin ka keenay shirkii madaxda qaranka iyo maamul goboleedyada ee ee looga hadlayey amniga iyo siyaasadda ee ka dhacay magaalada Muqdisho 15 & 16 April 2017-kii.

Xildhibaannada Mooshinka keenay waxaa ay soo qaateen in qodobada shirka ka soo baxay ka dhex-muuqato mid la wiiqayo awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana awooddii dowladda dhexe loo weecinayo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ay ku doodayaan dhismaha ciidanka uu ka mid yahay ajendaha shirka London 11 May 2017, arrintaas oo sida ay xildhibaannada qoreen halis ku ah sumcadda, midnimada ciidamada qalabka-sida, awoodda difaaca dalka iyo abuuris caqabado la xiriira kala amarqaadashada ciidamada iyo taliyaashooda.

Xildhibaannada Mooshinka keenay waxaa ay leeyihiin heshiiska la gaaray waa mashruuc lagu qeybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, in ciidamada qaranka loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dowlad goboleedyada waajibkoodu ku eg yahay.

Golaha shacabka waxaa ay soo jeediyeen in la tixgeliyo qodobka 54aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafka(B) ee caddeynaya in difaaca qaranka uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dowladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa kaloo ay ku baaqeen in la dhowro in labada aqal ay soo saari karaan xeer maamulaya qaab-dhismeedka, shaqada iyo heerarka hey’adaha ammaanka ee jamhuuriyadda federaalka ah sida ku qoran qodobka 130aad ee dastuurka.

Akhriso: Mooshinka 

Goobjoog News