U bood dhigaalka

W.Waxbarashada Somaliland oo Xayiraaddii Ka Qaadday 7 Dugsi Sare oo Ruqsaddii Shaqo Lagala Noqday

Sheeko:War

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa ka noqotay go’aan ka dhan ah 7 dugsi oo gaar loo leeyahay oo Wasaaradda  ay todobaadkan kala noqotay ruqsadii ay ku shaqaynayeen.

Kulan ay maalintii shalay magaalada Hargeysa ku yeesheen maamulayaasha dugsiyada gaarka ah iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayay dugsiyadaasi balan qaadeen in ay u hoggaansamayaan dhammaan awaamiirta ka soo baxda Wasaaradda Waxbarashada.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa sheegey in khilaadkaasi soo kala dhexgalay Todobada dugsi iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland laga heshiiyay.

“Todobadii Iskuul arrinkii aan ku haysannay ee wasaaradda waxbarashadu ku haysatay waa laga heshiiyay mar haddii wixii aan ku haysannay laga heshiiyayna anagun xayiraaddii waan la noqonnay, howsha kormeerka iyo Nidaamkuna waa mid socondoona haddii Alle yidhaahdo” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi.

Ugu dabmeyn, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa 20 August, 2017, ruqsaddii shaqo kala noqotay 7 dugsi sare ee kala ah  dugsiga sare ee Tommorow, dugsigii Shamsu-diin la oran jiray ee haddana la baxay Seventeen,  Ileys 1Ammaano,  Aklas,  CaalamiFuture, Todobadaa dugsi sare oo lagu eedeeyay iney u hoggaansami waayeen awaamiirta wasaaradda.

Goobjoog Nes