U bood dhigaalka

Waa Kuma Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya?

Sheeko:Dalka, War

Stephen Michael Schwartz oo ah safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga ee uu ka siddo madaxweyne Obama hordhigay wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Cabdisalam Omar Hadliye, kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hadaba, Waa Kuma Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya:

27-kii Bisha June, 2016, Stephen Michael Schwartz waxaa loo dhaariyey in uu noqdo safiirkii 13-aad ee ay Dowladda Maraykanka u soo magacawday Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya

Amb. Schwartz ayaa xubin ka ahaa guddiga adeega sare ee arrimaha dibadda, iyadoo darajadiisa ay aheyd la taliye sare. Magacaabistaan ka hore, ambassador Schwartz  waxaa u dheer in uu agaasime ka soo ahaa xafiiska qaabilsan Australia, New Zealand iyo Jasiiradda Baasifiga (ANP) ee xafiiska arrimaha bariga Eeshiya iyo Baasifiga. Wuxuu agaasime ku xigeen ka soo noqday Qaybta EAP/ANP intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2010-kii

Mr. Schwartz waxa uu hoggaaminayey kooxda siyaasadda iyo howl-gallada Nayjeeriya 2014-kii ilaa 2015-kii. Kadib muddo sanad ah oo uu agaasime ka ahaa xafiiska arrimaha galbeedka Africa. Sanadihii 2010-kii ilaa 2013-kii wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa Ergada Maraykanka (DCM) ee caasimadda Zambia ee Lusako.

2004-tii ilaa 2007-dii Mr. Schwartz waxa uu ahaa ku xigeenka madaxa ergada safaaradda Mareykanka ee Port Louis, Murataaniya oo ka mas’uul aheyd xiriirka Mareykanka ee dalalka badweynta Hindiya ee Murataaniya, Siishalis iyo Kamooroos. Waxaa uu soo qabtay howlo badan oo la xariira siyaasadda, dhaqaalaha, qunsilnimo iyo maamul intii uu ka shaqeynayey howlaha dalalka dibadda ka ah Mareykanka. Waxa uu howlo ka soo qabay Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa, (2001-2004) Magaalada Hafaana ee Cuba (1999-2001) Bujumbuura, dalka Buurindi (1995-1996) iyo magaalada Adis Abab xarunta Dalka Itoobiya (1992-1994)

Howlaha Mr. Schwartz uu ka qabtay Washington waxaa ka mid ah in uu ahaa kaaliyaha gaarka ah eek u xigeenka xoghayaha arrimaha siyaasadda ee Mareykanka (1998-1999) iyo xafiiska qaabilsan Suudaan (1996-1998). Wuxuu ahaa sarkaal muddo ka shaqeynayey xafiiska arrimaha dibadda laga soo billaabo 1992.

Marka laga yimaado in uu ka shaqeynayey waaxda arrimaha dibadda Maraykanka Mr. Schwartz, waxaa u dheer in uu la shaqeeyey urur aan dowli aheyn oo taageerayey nidaamkii kala-guurka ee dalalka bariga Yurub iyo Midowgii Soofiyeet iyo Barnaamijyada Africa ee Machadka Brookings. Horaantii 1980-yadii wuxuu ahaa mutadawiciintii Peace Corps ee dalka Kaamaruun iyo Xafiiska Peace Corps ee Murataaniya, Maali, iyo Burkiina Faaso.

Mr. Schwartz waxa uu ka qalin jabiyey jaamacadda Miami Oxford ee gobolka Ohio bishii May 1980kii, asagoo qaatay darajada Baajka ee maamulka iyo ganacsiga. Waxa uu ku qaatay darajada labaad ee Jaamacadda ee Master’s degree cilmiga Africa ama African Studies sanadkii 1988dii Jaamcadda London’s School of Oriental and African Studies. Wuxuu sidoo kale ka qaatay darajada labaad ee Master’s Degree oo uu ku bartay Qorshaha Amniga Qaranka sanadkii 2008dii Jaamacadda National War College ee magaalada Washington, DC.