U bood dhigaalka

Waaberi Oo Ku Guuleystay Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Waaberi ayaa loo caleemo saaray tartanka Degmooyinka Gobalka Banaadir kaddib markii ay 3-1 ku dubteen Degmada Hodan.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa caawa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso Waaberi.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad Waaberi waxaa kaarka cas ka qaatay laacib balse uma aysan dhutin oo waxay la yimaadeen goolkii saddexaad ee dheesha.

Hodan oo dadaashay ayaa soo guday uun hal gool oo qura, waxaana sidaa habeen taariikhi ahaa koobka ku hantay Waaberi.

Waxaa xusid mudan in Waaberi ay soo gaartay Finalka Degmooyinka Labadii sano ee la soo dhaafay balse laga qaaday laakiin caawa ayay xanuunadii iska dawaysay oo ay gacant ku dhigtay koobka ay u soo halgantay.

Kulanka ayaa ahaa mid taariikhi ah oo Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu ciyaaray habeen tan iyo dowladii Jaale Maxamed Siyaad Barre.

Sawirro xul ah iyo faah faahin dheeri ah dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha’alaah.