U bood dhigaalka

Wada Xaajoodka Ganacsiga Xorta ah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub oo Aan U Hakan Doonin Doorashada Mareykanka

Sheeko:War

Mareykanka iyo Midoga Yurub ayaa Jimcihii sheegay iney sii wadi doonaan wadahadalka u socda labada dhinac ee gor gortanka wadahadallada looga gol leeyahay heshiis ganacsi xor ah oo magacihiisu yahay; ” Ganacsiga iyo maalgashiga iskaashi ee Badweynta Atlantic”, iyadoo  ay aad u soo dhawaatay xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka oo qorsheysan 8 November soo aaddan.

Mas’uuliyiinta wadahadlka wadda ee Mareykanka iyo Yurub ayaa ka dib kulankoodii 15aad oo ka dhacay magaalada New York  sheegay iney ka go’an tahay in la sameeyo horumarka ugu weyn ee suurtogalka ah ee ku aaddan dhanka  goobo loogu talogalay ganacsi oo xorta ah ee Dunida oo dhan ugu weyn, inta aanuu dhamaan xilka madaxweyne Obama oo ku eg 20 January ee soo aaddan.

Dan Mullaney oo dhanka Mareykanka wadahadallada u matalaya ayaa yiri “Wakhtiga u harsan maamulka madaxweyne Obama, waxaa jira waxyaabo badan oo aan qaban karno si wadajir ah”.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay qorsheysan tahay kulan heer wasiir ah oo dhexmara wasaaradaha Ganacsiga Mareykanka iyo Midowga Yurub oo qabsoomaya 3 cisho un ka hor doorashada Madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, waan sida laga soo xigtay Ignacio Garcia Bercero oo ah guddoomiyaha waftiga Yurub u matalayay wadahadallada.

Mullaney ayaa isna dhankiisa sheegay in kulankii ugu dambeya ee wadahadalka uu socoday 5 maalmood iyadoo dadka khubarada ah ay ka wadahadleen 20 arrimood oo kala duwan oo heshiiska ka mid noqon doona, kuwaas oo dhamaantood is afgarad laga gaaray.

Mareykanka iyo Midawoga Yurub ayaa waxaa u bilowday wadahadallo lagu sameynayo goobta ganacisga xorta ah ugu weyn dunida oo loo bixiyay iskaashiga badweyta Atlantic-ga.

Goobjoog News