U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Saakay oo Arbaco ah waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana loo diidayaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxaa gabi ahaanba xiran wadada Makka Al-mukarrama oo meelaha qaar xitaa aan loo ogoleyn in dadka shacabka ah ay socdaan.

Sidoo kale waxaa xiran isgoysyada qaar ee wadada Wadnaha, waxaana dadka loo ogoleyn in dhanka Makka Al-mukarrama usoo gudbaan.

Qaar kamid ah shacabka oo cagtooda maalaya ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan sii haysan digniin ahayd in waddooyinka la xirayo sidii marar badan dhacday.

Goobjoog News