U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay oo Arbaco ah waxay xireen waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan ee magaalada.

Waxaa la arkayaa ciidamo taagan isgoysyada qaar ee magaalada, waxaana ay gaadiidka dadweynaha u diidayaan isticmaalka halkaasi, iyadoo meelaha qaar ay shacabka lugeynayaan.

Waxay ciidanka taagan yihiin dhammaan waddooyinka kasoo baxa dhanka wadada wadnaha ee soo aada wadada Makka Al-mukarrama, halkaasina looma ogola iney soo aadaan gaadiidka shacabka.

Xiritaanka waddooyinkaan ayaa loo sababeynayaa kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee maanta iyo sidoo kale cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Bilihii ugu dambeeyey, waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo inta badan la xiro, iyadoo mararka qaar aan shacabka loo sheegin meelaha la xiri doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News