U bood dhigaalka

Waddooyinka Oo Weli La Xiro, Guushii Farmaajo Kadib

Sheeko:Dalka

Dad badan ayaa filayey in wixii ka dambeeyey doorashadii 8-dii Februry  ee sanadkaan ka dhacday magaalada Muqdisho, in madaxda ay fulin doonaan balamihii ay madaxdu qaadeen.

In ka badan 20 musharrax oo jagada madaxtinimada u tartantay ayaa mid walba waxa uu sameynayey ballanqaadyo dhowr ah, kuna sheegayey in wax uu qaban doono haddii la doorto.

Maxamed C/laahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya, waxaa lagu xusuustaa in waxyaabo badan oo uu balanqaaday markii uu soo jeedineyey khudbaddiisa musharraxnimo.

Waxaa madaxweyne Farmaajo khudbaddii uu jeediyey kamid ahayd arrinta xirnaanshiyaha waddooyinka oo shacabka Muqdisho ku nool dhibaato badan ku qabeen.

Farmaajo ayaa u balanqaadey shacabka in dowladdiisa aaney waddo ka xiraneyn, haddii cabsi amni ay jirtana uu geli doono gaadiidka qafilan oo aan xabaddu Karin.

“Waxaan bedalaynaa oo kale haddii aad fursad isiisaan oo aad ii doorataan xilkaan aan raadinayo in dowladdu awoodeedu ku caburiso shacabka intii ay ugu adeegi lahayd, jidadkaan la xirayo oo maalmahan oo dhan xiran waxa weeye waa qeyb ka mid ah caburin, haddii aad i doorataan hadaan magaaladan nabad keeni waayo baaburti waaweyneyd yaan gadaal ka geli, jid la xirayo majirayo, markaan Shabaab ka adkaanno markaas baan baabuurta ku raaxeysaneynaa, laakiin isma keeni karto in adoo dagaal ku jira iney jidadku umadda ka xiran yihiin dadka u baahna” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo xilli uu baarlamaanka khudbaddiisii musharraxnimo ka horjeedinayey.

Markii la doortay Farmaajo, dad badan oo hadalkaasi uu soo jiitey ayaa niyadda gishtay ineysan jiri doonin caqabad dambo oo ku aadan in waddooyinka la xiro.

Doorashadii Farmaajo kadib tiro ka badan Saddex jeer ayaa la xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxayna arrintaasi aad u saameysay kumanaan qof oo muruq maal ah, ardayda iyo dad badan oo arrimo caafimaad u socday.

18-kii bishan, oo Sabtidii shalay ahayd, waxay shacabka kusoo kaceen ciidamo fadhiya wadada Makka Al-mukarrama, loona sheegayo in wadadu xiran tahay.

Madaxweyne Farmaajo kama aanu hadal weli doorashadiisa kadib waddooyinka la xirayo, maadaama uu ballanqaaday in waddo dambe aan la xireyn.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaya waxa ku dhacay ballantii madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena waxay shacabka madaxweynaha ka sugayaan inuu u caddeeyo haddii uu ka baxay ballantii ahayd in waddooyinka loo furayo iyo in kale.

W/D: Maxamed C/laahi Maxamed