U bood dhigaalka

Wadooyinka Britain Oo Lagu Tijaabinayo Baabuurta Iswada

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay wadooyinka Britain lagu tijaabin doono baabuurta iswada, kuwaas oo ku shaqeeya qalabka casriga ah ee Tiknoloojiyadda.

Baabuurtaan ayaa la soo bandhigi doonaa iyag oo koox wada socda ah,sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka ee Uk shalay oo jimco ah.

Saddexda baabuur ayaa waxay gali doonaan safar iyaga oo ku xiriiraya shabakadda loo yaqaano Wayfiga waxaana xakamaynaya xawaaraha bareegga gaariga koowaad.

Tijaabooyinkaan oo kale ayaa waxaa horay looga sameeyay Yurub iyo Mareykanka balse dad qaar ayaa waxay leeyihiin baabuurta xamuulka ah ee is wada kuma haboona wadooyinkaBritain, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo ciriiri ah.

Edmund King oo ah madax ururka gaadiidleyda ayaa waxaa uu sheegay in kooxdaan baabuurta ah ay ku socon doonaan mitiryo dhaadheer waddooyinka xawaaraha dheer looga socda  ee ku yaalla gobolka Arizona.