U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Canada Oo Gaarey Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi ballaaran oo ka socay dowladda Canada, kuwaasi oo la kulmay madaxda maamulka K/galbeed.

Wafdigan ayaa ayaa u tagay magaalada Baydhabo, sidii ay madaxda K/galbeed uga xog wareysan lahaayeen abaarta ka jirta dalka, gaar ahaan kuwa deegaannada K/galbeed.

Ku simaha madaxweynaha maamulka K/galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa saxaafadda la hadlay kadib markii kulankaan uu soo dhammaaday waxa uu sheegay in diiradda la saaray abaaraha baahsan.

Waxa uu sheegay wafdigan uu hoggaaminayey ku xigeenka World Vision, ayna kala shireen hay’addaasi sidii ay wax uga qaban lahayd abaarta K/galbeed.

“Waxaan ka wada hadalnay wafdigan gaar ahaan World Vision sidii ay wax uga qaban lahayd arrimaha abaaraha, caafimaadka iyo arrimaha Gender-ka, waxay inoo balanqaadeen iney caawin doonaan dadka abaarta la il daran” ayuu yiri Mr. Fiqi.

Deegaannada K/galbeed ayaa kamid ah deegaannada ay ka jirto abaarta baahsan, waxaana deegaanadaan qaarkood aysan dadka ku haysan Biyo iyo raashiin intaba.

Goobjoog News